Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Wadamada Maraykanka iyo Ingiriis-ka ee Bariga Africa

January 25, 2026 - Written by Editor

Nairobi:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Wadamada Maraykanka iyo Ingiriis-ka ee Bariga Africa, Col Ryan flaherty iyo Col Rich Grover oo ay weheliyaan Saraakiil sarsare.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray Hawlgallada gebagebada maraya ee Argagixisada Daacish looga sifaynayo Calmiskaad iyo xoojinta Iskaashiga guud ee la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay Dowladda iyo Shacabka Puntland uga taageereen in Hawlgalka Calmiskaad Guuleysto.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
January 2026
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online