Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo kulan la qaatay saraakiishii ciidanka Puntland

January 22, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan qado-sharaf ah la qaatay saraakiishii ciidanka ee guusha ka soo hooyay hawlgalka Calmiskaad ee dalka looga sifeynayo argagixisada Daacish oo hada maraya meel gabogabo ah.

Kulanka qado-sharafta waxaa ka qaybgalay Taliyaha guud ee Ciidanka daraawiishta Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaano, Guddiga Gurmadka iyo Taakulaynta Ciidanka, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha gobollada & degmooyinka, iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ciidamada geesiyaasha ah ku bogaadiyey doorkii naf-hurnimada lahaa ee ay ka qaateen difaaca Puntland, isagoo si gaar ah u xusay guusha ay ka gaareen ciribtirka argagixisada kusoo duushay dalka. Wuxuu caddeeyey in Dowladda Puntland ay mudnaanta koowaad siinayso daryeelka iyo taakulaynta ciidamada qalabka sida ee naftooda u huray difaaca dalka iyo shacabka.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sheegay in Dowladdu si dhow ula socoto xaaladda ehelada askartii iyo saraakiishii ku shahiiday hawlgalka, isla markaana ay ka go’an tahay in Dowladdu siiso daryeel buuxa ciidamada ku dhaawacmay dagaalka.

– DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
January 2026
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online