Madaxweynaha DFS oo gaaray dalka Jabuuti

March 11, 2026 - Written by Editor

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Jabuuti ayaa salka ku haysa aragti wadaag ku saleysan xaaladda gobolka, iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu la kulmi doona, dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka arrinsan doonaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Jamhuuriyadood.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2026
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online