Madaxweynaha JFS Ciidamada DFS kula ciiday deegaanka Gandarshe

March 20, 2026 - Written by Editor

Afgooye:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciiday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Madaxweynaha ayaa hambalyo la wadaagay dadka Soomaaliyeed, Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga awgeed, isaga oo tilmaamay in astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib u milicsaday xusuustiisii deegaan dalxiiseedka Gandarshe ayaa sheegay in duruufta iyo burburka ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin natiijada xukunka Khawaarijta, waxa uuna faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaarka dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.

—–DHAMMAAD—

Comments are closed.

Archives
March 2026
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online