Madaxweynaha JFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti.

March 12, 2026 - Written by Editor

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kaga qeyb-galay kulan saddex-geesood ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Kulankan ayaa lagu xoojiyey iskaashiga wadajirka ah ee saddexda dal, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray amniga gobolka, la dagaallanka argagixisada, dadaalada Soomaaliya ee dimuqraadiyeynta, xasilloonida Geeska Afrika iyo horumarinta iskaashiga.

Sidoo kale, Madaxda ayaa dul istaagay fursadaha lagu horumarin karo maalgashiga, isu-socodka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo xoojiyo isdhexgalka iyo horumarka dalalka gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti martigelinta kulankan, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii joogteynta wada-tashiyada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga dalalka gobolka.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
March 2026
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online