Madaxweynaha Puntland oo magacaabay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland.
March 31, 2026 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.001 kuna saabsan magacaabista xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Wasiirada :-
1. Abdirashiid Barkhadle Warsame
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .
2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.
3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
4. Barre Yuusuf Faatax
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin .
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
6. Hodon Siciid Xasan
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska .
7. Farxaan Cali Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .
8. Siciid Cali Jaamac Qorsheel .
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Daaqa
9. Caydaruus Axmed Faarax
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .
10. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .
11. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka .
12. Cumar Cabdisamed Yuusuf Dhuux
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
13. Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska .
Wasiir Ku-xigeennada: –
1. Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta .
2. Cabdirisaaq Cali Maxamuud .
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.
3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta .
4. Axmed Yaasiin Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
5. Maxamed Xasan Ibraahim
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
6. Musadaq Maxamed Musadaq
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.
7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase)
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
8. Eng. Maxamed Cali Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha.
9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsade
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .
10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabdi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
11. Xasan Jaamac Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa.
12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha .
13. Maxamed Siciid Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
14. Axmed Siciid Qoloombi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
15. Riyaad Axmed Cali
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka.
16. Maxamuud Maxamed Daad
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
17. Axmed Maxamed Bulxan
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiiru Dowleyaasha:
1. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Gobolka iyo Federaaleynta.
2. Faarax Maxamuud Aw-cismaan
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.
3. Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta .
4. Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda
5. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
6. Cali Maxamed Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka .
7. Eng Maxamed Ciise Lacle
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada .
8. Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deero-dile.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .
9. Maxamed Cabdikaafi Maxamed
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa .
10. Siciid Maxamed Awaare
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
11. Amb Maxamed Axmed Cawil
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta , Macdanta iyo Biyaha .
12. Najiib Barkhad Warsame
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
13. Mukhtaar Axmed Odey
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .
14. Axmed Ibraahim Cawaale (Biid)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga , Warshadaha iyo Maalgashiga .
* Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waana uu saxiixay.
– DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

.gif)

