Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah oo Baydhabo kulan kula qaatay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka DFS.

April 6, 2026 - Written by Editor

Baydhabo:-Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha doorashooyinka iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan. Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo hannaanka doorashooyin hufan oo daahfuran, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska.

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa bogaadiyay dadaallada Guddiga, wuxuuna caddeeyay in Dowladdu ay ka go’an tahay taageeridda howlaha muhiimka u ah hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.

labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta joogtada ah si loo gaaro yoolalka qaran ee la xiriira doorashooyinka iyo maamul wanaagga.

———DHAMMAAD——

Comments are closed.

Archives
April 2026
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online