Madaxweynaha DFS oo gaaray magaalada Baydhabo.

April 3, 2026 - Written by Editor

Baydhabo:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah iyo Boqolaal ka mid ah shacabka Baydhabo.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee magaalada Baydhabo ayaa daaran, dardargelinta adeegyada bulsho ee loo hayo shacabka deegaanka, xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta, adkeynta geeddi socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo la qaadan doonaa hoggaanka KMG ah ee dowlad goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta iyo qeybaha bulshada, iyada oo diiradda la saaridoono adkeynta amniga, socodsiinta adeegyada dowladnimo ee bulshada loo hayo iyo hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod, si loo xaqiijiyo himmilada shacabka soomaaliyeed ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka waara.

—-DHAMMAAD—

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Comments are closed.

Archives
April 2026
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online