Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Tacliinta Sarre ee Dowladda Puntland
April 19, 2026 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 15 kuna saabsan magacaabid Guddiga Tacliinta Sarre ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Xeerka Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland
Markuu arkay: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Tacliinta Sare ee
Dowladda Puntland
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta
Sare ee Dowladda Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
(Magacaabid Xubnaha Guddiga)
Waxaa Xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, kuwaas oo kala ah:-
1. Dr. Maxamuud Cabdiraxmaan Maxamuud (Hoorri) Guddoomiye
2. Dr. Cabdirisaaq Maxamuud Takar G. Ku-xigeen
3. Dr. Xafsa Maxamed Maxamuud Xubin
4. Dr. Cabdiweli Cabdiraxmaan Geyre Xubin
5. Dr. Faadumo Cabdullaahi Maxamed Xoosh Xubin
6. Dr. Aadan Cabdiqaadir Maxamed Xubin
7. Dr. Siciid Axmed Cali Maax Xubin
* Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
-DHAMMAAD –
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

.gif)

