Madaxweynaha Puntland Tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

April 9, 2026 - Written by Editor

Qardho:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa galabta tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland gaar ahaan guutada Saddexaad ee ka hawlgalay buuralayda Calmiskaad.

Madaxweynaha ayaa Hambalyo u diray dhammaan Ciidamada Dowladda Puntland Guushii ay kasoo hooyeen howlgalkii Calmiskaad oo hadda maraya meel gebogebo ah, wuxuuna kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu Awoodeeda isugu geynayso oo ay gelinayso Tamar iyo Talloba Tayeynta iyo horumarinta Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dadka, dhulka iyo Dowladda Puntland.

Wuxuu Madaxweynuhu xusay in Dowladda Puntland isku filantahay dhinac kastana ku filantahay illaalinta Amniga dadkeeda, iyadoo Ciidankeenu tusaale u noqday wadamada adduunka, marka la arkay sida ay u burburiyeen Cadowga Daacish ee Adduunku la tacaalayey.

Tababarka galabta loogu furay guutada Saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta xarunta tababarada Ciidanka ee Xorgoble ee Qardho, wuxuu qeyb ka yahay qorshe Dowladdu ku horumarinayso khibrada iyo aqoonta Ciidamada, Iyadoo sidoo kale Guutada labaad ee Ciidankana tababar uga bilowmayo kulliyada tababarada Ciidanka ee Gen. Green ee degmada Badhan.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidanka Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne, Maamulka Gobolka Karkaar, Maamulka Degmada Qardho iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

– DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
April 2026
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online