Wasiir Juxa oo xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Arimaha gudaha ee Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
April 5, 2026 - Written by Editor
Garoowe:-Xafladda Xil-wareejinta Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
Labada Wasiir ayaa xilkii wasaaradda kula kala wareegay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland, waxaana goob joog ka ahaa madasha xilwareejinta xubnaha Guddiga Xil-wareejinta iyo xubno ka socday Golaha Baarlamaanka, wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda , Agaasimaha guud ee wasaaradda, Odayaasha dhaqanka, culumada, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dhammaan Shaqalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid ayaa uga mahadceliyey dhammaan madaxda iyo Shaqalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha sidii wanaagsanayd ee ay u soo wada shaqeeyeen. Sidoo kale, Wasiir Cabdi Faarax ayaa kula dardarmaay madaxda iyo Shaqalaha Wasaaradda in habeen iyo maalinba loo soo jeedo sidii dalka iyo dadka loogu adeegi lahaa.
Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali ayaa u mahadceliyey dhammaan madaxda iyo Shaqalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxa uuna balanqaaday in uu shaqada meesheedi ka sii wadidoono, Wasiirka ayaa sidoo kale, dadka Reer Puntland ka codsaday in lala shaqeeyo si loo dardargeliyo barnaamijyada waaweyn ee ay hiigsanayso Dawladda Puntland si loo gaaro yoolalka ay higsanayso Dawladda Puntland.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

.gif)

