Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Puntland furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026

May 30, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2026, oo ay sanadka u fariisteen 25,221 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha, ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.

“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar adayg mudadii ay kusoo jireen hayaanka Waxbarshada, Dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii Ardayda reer Puntland u heli lahaayeen Waxbarasho iyo Imtixaan mideysan oo tayadiisu sarayso, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maamulka Dugsiyada, Macallimiinta,Ardayda, Waalidiinta iyo dhammaan howl wadeenada ka shaqaynaya waxbarashada”.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo ardayda imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo.

—–DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
May 2026
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online