Jawaab kooban oo ku aadan hadalka Fahad Yaasiin uu ku bartilmaamsaday Sheekh Maxamed Idiris Xafidahulaah.
June 1, 2026 - Written by EditorGaroowe:-Hadalka Fahad Yaasiin ee baraha bulshada soomaaliyeed ay faafiyeen ee ku saabsan Sheekh Maxamed Idiris waa eedeyn shaqsiyeed iyo tuhun aan caddeyn lahayn.
Sheekh Maxamed Idiris waa Daaci ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee sida joogtada ah uga qayb qaata fidinta Diinta iyo wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed.
In lagu khilaafo aragtidiisa waa xaq dabiici ah, balse in aragtidaas loo beddelo weerar ku saabsan shakhsiyaddiisa ama diintiisa waa khalad aan caddayn iyo mas’uuliyad midna lahayn.
Sheekh Maxamed Idriisn waxaa lagu yaqaan inuu yahay daaci diinta faafiya, isla markaana dowr muuqda ka soo qaatay dacwadda jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo masaajiddooda laga dhisay dalal badan oo caalamka ah. Sidoo kale waa qof leh aqoon diini ah iyo waayo-aragnimo saxafadeed oo uu ku falanqeeyo uuna ku naqdiyo oo uu ku dhaliilo arrimaha siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan musuqmaasuqa ka jira dawlada, laaluushka iyo dhibaatooyinka dowlad-dhiska.
Qoraalladiisa iyo muxaadarooyinkiisa waxaa si cad uga muuqda danqasho iyo welwel uu ka qabo xaaladda ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan mustaqbalka dhalinyarada iyo horumarka dalka.
Diinteenu waxay na faraysaa in Culimada la ixtiraamo lana weyneeyo, hase yeeshee ma aha kuwo aan khalad gelin. Sidaas darteed, waa in la kala saaraa ixtiraamka culimada iyo in la dhaliilo ama la saxo aragtiyaha ay qabaan.
Sidoo kale, ilaalinta sharafta Ducaadda Diinta fidisa, difaacidda karaamadooda, iyo ka hortagga wax kasta oo sumcadooda wax u dhimaya waa waajib guud oo saaran dhamaan qaybaha bulshada.
Dhanka kale, dhaliil kasta waa inay ku dhisnaataa caddeyn iyo hab suuban, ee ma aha eedeyn guud ama hadal aan la xaqiijin karin.
Gunaanad, kala aragti duwanaan waa la aqbali karaa, balse sumcad-dil iyo eedeyn aan caddeyn lahayn waa in si cad loo diidaa. Xushmeynta culimadu waa tiir muhiim u ah ilaalinta anshaxa, midnimada, iyo xasiloonida bulshada.
Sheekh Dr. Crisaaq Maxamed Takar
Halgan.net

.gif)

