Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Hay’adaha Dowladda Puntland

July 9, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre Mudane Xasan Yusuf Nuur, ayaa furay Shirweynaha xoojinta wadashaqeynta iyo maamul daadajinta Hay’adaha Dowladda Puntland.

Shirkan oo ay ka wada qeybgelayaan Goleyaasha Dowladda Puntland, heerarka kala duwan ee Dowladda Puntland illaa heer degmo iyo Ciidanka Booliiska Puntland, ayaa looga hadlayaa sidii loo dardargelin lahaa maamul daadajinta iyo horumarinta wadashaqeynta Hay’adaha Dowladda Puntland.

Hanti-dhowrka Guud, Wasaaradaha, Taliska Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Puntland ayaa madasha kusoo bandhigay heerka wadashaqeynta Dowladda iyo horumarada laga sameeyay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha , Siyaasadda, Arrimaha Bulshada, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo baahiyaha bulsho ee kajira deegaannada iyo soodeejinta wax looga qabanayo baahiyahaasi.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
July 2026
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online