Ciidamada Puntland oo xoog ku soo furtay Markab ay Burcadbadeed heysteen

September 29, 2026 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Ilaalada Badda ee Dowladda Puntland ayaa saacado kooban ku soo gabagabeeyay hawlgal lagu soo bad-baadiyay markabka MT Honer 25, iyadoo la xaqiijiyay in markabku nabad qabo, isla markaana uu ku jiro gacanta Dowladda.

Khasaaraha Shaqaalaha Markabka:

Kooxda burcadda ah ee xoogga ku haysatay markabka ayaa saaka aroortii hore, ka hor inta uusan bilaaban hawlgalka Dowladda, dishay shan ka mid ah shaqaalaha markabka. Shaqaalaha la dilay waxaa ka mid ahaa saddex u dhashay dalka Pakistan, hal qof oo u dhashay dalka Myanmar iyo hal qof oo u dhashay dalka Hindiya.

Sidoo kale, burcaddu waxay dhaawacday afar shaqaale ah, kuwaas oo kala ah saddex Pakistani ah iyo hal Hindi ah.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 16 ka mid ah burcadda, halka tiro kale oo baxsatay ay ciidamadu weli ku raad-joogaan.

Ciidamadu waxay hayaan xog ku saabsan goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha baxsadka ah, waxaana socda hawlgallo lagu soo qabanayo.

Dowladdu waxay xaqiijinaysaa in markabka MT Honer 25 uu hadda nabad qabo, isla markaana uu ku jiro gacanta ciidamada Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Dowladda Puntland waxay xaqiijinaysaa in la sii wadi doono hawlgallada lagu ciribtirayo aafada burcad-badeednimada, isla markaana laga sifaynayo deegaannada Puntland.

Inta hawlgalladani socdaan, ciidamadu waxay heegan u ahaan doonaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcad-badeednimada. Dowladda Puntland waxay sidoo kale caddeynaysaa in tallaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falal burcad-badeednimo.

-DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta

Ciidanka Badda Puntland PMPF

Comments are closed.

Archives
September 2026
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online