Madaxweynaha Puntland iyo dhib u dhiska Wadada Laamiga ah ee marta Togga Ceeldaahir.

September 12, 2026 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa degmada Carmo iyo degsiimada Ceel-daahir ka bilaabay olole mutadawacnimo ah oo lagu banaynayo Wadada Laamiga ah ee marta Togga Ceeldaahir, oo isku xira Carmo iyo Ceel-daahir, kaas oo qeyb ka mid ah Laamiga ay qarisay Ciid guuraysa oo daadadku sababeen.

Ujeedka arrintan ayaa ah in Madaxweynuhu uu Bulshada Carmo iyo Ceel-daahir iyo guud ahaan deegaannada kale ee Puntland, ku dhiirigelinayo in ay Ciida ka guraan Wadooyinka Puntland, oo deegaan kasta ay masuuliyad iska saaraan.

Madaxweynaha oo si toos ah uga qaybgalay banaynta Wadada dhexmarta Togga Ceel-Daahir, ayaa waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha Degmada Carmo , Masuuliyiinta Degsiimada Ceel-Daahir iyo ciidanka Booliiska ah ee cusub iyo Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

–DHAMMAAD–

Comments are closed.

Archives
September 2026
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online