Madaxweynaha Galmudug oo Tacsi u diray Ehelada Suldaan C/laahi Suldaan C/raxmaan oo caawa ay Shabaab ku dileen Gaalkacyo.
July 17, 2019 - Written by Editor Inaalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun Madaxweynaha D.G Galmudug
Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa tacsi u diray bulshada reer Gaalkacyo iyo
eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan
Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo caawa kooxaha argagixisada ah ee ku
dileen Magaalada Gaalkacyo.
“waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga
shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax
ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweynuhu
Waxa uu bulshada reer Gaalkacyo ugu baaqay Madaxweynuhu in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga ku ah jiritaankooda iyo noloshooda waxa uu intaas ku daray in Kooxaha Argagixisada Arxan laawayaasha ah aysan rabin in amniga iyo nabada noqoto Magaalada Gaalkacyo cid walbana ay masuul ka tahay amniga Magaalada
——Dhamaaad—-