Madaxweynaha dowladda Puntland oo Kulan La Qaatay Ganacsatada Puntland ee Boosaaso.[Masawiro]
September 26, 2019 - Written by EditorBoosaaso, Sep, 26, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso.
Kulanka Ganacsatada iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka
ahaa Maamulka Gobolka kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan
Goleyaasha dowladda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.
Muhiimadda kulankan ayaa ahaa sidii Dowladda iyo Ganacsatada
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland uga wada shaqay lahaayeen
horumarinta arrimaha ganacsiga sida, suuqgaynta wax soo saarka dalka,
horumarinta ganacsiga, taageerada ganacsi ee dalka ka socota,arrimaha
Maalgashiga dalka iyo in laga wadashaqeeyo sidii khayraadka dalka, gaar
ahaan Puntland suuqayada caalamka loogu soo bandhigi lahaa.
no images were found
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND