Wasaaradda Arrimaha gudaha PL oo shir ku qabtay degmada Jariiban.[Masawiro]
December 24, 2019 - Written by EditorJariiban:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadi yeynta Puntland oo Degmada Jariiban ku qabatay shir looga hadlayay qorshe howleedka 2020 ka ee degmada Jariiban.
Shirka qorshe howleedka mashaariicda hormarinta Degmada Jariiban ayaa soconayey mudo 3dhex maalin ah si hufan looga doodayey baahiyaha ka jira Degmada iyo Deegaanada hoosyimaada waxaana kasoo qayb galay qaar kamid ah golaha deegaanka, Gudiyadda xaafadaha, Gudoomiyayaasha tuulooyinka, qaybaha kale duwan
ee bulshada Degmada Jariiban iyo Maamulka Degmada.
Intii uu socday Shirka waxa looga dooday qorshe howleedka degmada Jariiban ee 2020, kaas oo dhinacyo badan laga eegey la iskuna afgartay. waxana si gacan taag ah lagu ansixiyay qorshe howleedka 2020 ka. ayagoona doortay afar mashruuc.
1. Dayactir iyo balaarin lagu samaynayo MCH ka Deegaanka Salax
2. Dayactir iyo ballaarin lagu samaynayo Schoolka Balibusle
3.balaarin lagu samaynayo Schoolka Garacad.
4. Layrarka Cadceedka oo lagu xirayo Jariban
Ansixintaas waxa markhaati ka ahaa masuuliyiintii ka socday wasaaradaha adeeg bixyaasha mashaariicda hormarinta latilayaal ka socday wasaaradaha Arrimaha oo uu hogaaminayo agaasimaha waaxda Dowladdaha Hoose ee wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL iyo xafiiska madaxwayne ku xigeenka.
=DHAMMAAD=
no images were found
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND