Ra’iisul wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble oo dalka dib ugu soo laabtay
May 16, 2021 - Written by EditorRa’iisul Wasaaraha DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay dalka Jabuuti uga qeyb galeen caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka aden cadde xubno ka tirsan labada aqal ee DFS.
Raisulwasaaraha oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “Waxaan ku soo laabtay Caasimadda Muqdisho ka dib markii aan Djibouti uga qeyb galay caleemasaarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxdii Gobolka ee aan Jabuuti isku aragnay waxaan ka wada hadalnay arrimo muhiim u ah xasilloonida gobolka geeska Arika,”
Raisulwasaaraha DFS ayaa sidoo kale yiri “Soomaaliya waxay galeysaa doorasho. Waxaana socda diyaargarowga shirkii aan iclaamiyay 20-ka May oo ku qabsoomaya muddadii aan u qabannay Inshaa allaah” taas oo jawaab u ah codsi iyo eedeymo ay soo jeediyeen qaar ka mid ah golaha midowga Musharaxiinta.
C/Cawale
Halgan.net