Shirka Wadatashiga doorashooyinka Qaranka oo galay maalintii labaad
May 23, 2021 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar labaad guddoomiyay Shirka Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka oo galay maalintiisii labaad.
Madaxda ayaa bilaabay ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo ay sii socon doonto maalinta beri ah falanqeynta ajandayaasha horyaala shirka
Afhayeenka xukuumada DFS Maxamed Macalimow ayaa sheegay in shirka maanta uu ahaa mid ka sii fiican kulankii shalay isla markaana uu jiray isfaham iyo isku soo dhawaansho
Macalimu Afhayeenka xukuumada DFS ayaa sheegay in marka uu shirka soo dhammaado ay si wadajir ah warmurtiyeed u soo saari doonaan madaxda DFS iyo kuwa dowladgobaleedyada .
M_M Deeq
Halgan.net