Wareysi: Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo arrimo badan ka hadlay
March 30, 2022 - Written by EditorSafiirka Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre ayaa cambaareeyey weerarradii toddobaadkii hore Al-Shabaab ay ka gaysteen magaalooyinka Muqdishu iyo Beledweyne, kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof.
Safiirka oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in ujeeddada weerradan ay ahaayeen inay Soomaaliya kahor istaagaan dib u soo kabashada.
Waraysigan oo dheer ayaa safiirku wuxuu sidoo kale kaga hadlay la dagaalanka Al-Shabaab, arrimaha doorashada, iyo mowqifka Maraykanka ee midnimada Soomaaliya. Waraysigan oo ay qaadday Falastiin Axmed Iimaan, waxaa soo koobay Nuur Xassan (Bukhaari) iyo Sahra Cabdi Axmed.
VOA Somalia
Halgan.net