Dowladda Jubbaland waxay u aragtaa Danjirahii hore ee Midogwa Afrika inuu lid ku ahaa hanaanka dowlad dhiska iyo madax banaanadii dalka.

April 7, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Dowladda Jubbaland waxay soo dhawaynaysaa go’aanka masiiriga ah ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gaartay Danjirahii hore ee Midowga Afrika Francisco Madeira, oo dalka laga caydhiyay kadib markii uu ku xadgudbay arrimaha gudaha ee dalkeenna taas oo xad gudub ku ah xeerarka Caalamiga ah ee diblomaasiyadda kana baxsan shaqadii loo igmaday.
Inta uu madaxa ka ahaa howlgalka midowga afrika ee AMISOM Madeira, waxaa uu si dilaalnimo ah uga dhex shaqaynayay siyaasadda gudaha ee dalkeenna isagoo ku milmay xadhig jiidka siyaasadda ee ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Francisco Madeira, waxa uu qeyb ka ahaa duulaankii qaawana ee Madaxweynaha Xiligiisu dhamaaday uu kusoo qaaday Jubbaland isagoo ka hor yimid heshiiskii Dowladda Jubaland iyo siyaasyiintii tabashada ka qabay Doorashooyinkii 2019ka ee Jubbaland si qulqulatooyinka iyo kala aragti duwanaanta dadka ree Jubbaland aan xal looga gaarin.
Sidoo kale waxa uu in muddo ah ka caga jiidayay howlgallada ay qaadi jireen Ciidamada AMISOM, sagoo meelo badan oo dalka kamid ahna ka saaray Ciidamadii joogay si ay dib ugu qabsadaan kooxaha Argagixisada ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa wakiil uga ah shacabka Soomaaliyeed hirgalinta himilooyinka iyo danaha Ummadda inta lagu guda jiro xiligan kala guurka ah.
DHAMMAAAD.

Leave a comment

*

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online