Madaxweynaha Jubaland oo soo dhaweeyey go’aanka guddiga doorashooyinka FEIT

April 14, 2022 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.

Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hay’ado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hay’adaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.

——DHAMMAAAD—–

Comments are closed.

Archives
April 2022
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online