Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka qeyb galay Barnaamijka Maal-gelinta ee Dal-Bille.
August 21, 2022 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta ka qeyb galay munaasbad 34 Dhallinyaro ah loogu sameeyay maal-gelin, taasi oo qeyb ka ah Barnaamijka Maal-gelinta ee Dal-Bille.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa boggaadiyey qorshahan hal-abuurka ganacsi loogu fududeynayo dhallinyarada Puntland, isagoo sidoo kale dhallinyarada ku guuleysatay kula dardaarmay in ay fursadan iska dayacin.
“Waan ku faraxsanahay maanta inaan kasoo qayb galo madashan dhaqaalaha lagu gudoonsiinayo dhalinyaradan oo ka kala yimi Degmooyinka Boosaaso, Buuhoodle iyo Galdogob ee Puntland iyaga oo ku guuleystay Barnaamijka Maal gelinta ee Dal-Bille.
Run ahaantii waa arrin bogaadin mudan waana uga mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay hawshan Hal-abuurada ganacsi loogu fududaynayo 34- tan dhalinyaro ee uu guuleystay qorshohoodii ganacsi ee ay soo bandhigeen.
Hal-abuurayaasha maanta fursadan helay waxaan kula dar-daarmayaa inay ka faa’iidaystaan oo aysan dayicin, inaga oo wada og hadii qorshahani midha dhalo inuu sii socon doono oo ay ka faa’iidaysan doonaan Hal-abuurayaal badan.” Ayuu Yuri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.
——-DHAMMAAD——
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.