Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM oo qarax lagu weeraray degmada Balcad
July 21, 2012 - Written byBalcad:-Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Degmada Balcad ayaa maanta qarax waxaa lagula eegtay gudaha Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaana uu qaraxa sababay khasaaro kala duwan.
Qaraxa lagu weeraray ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa ahaa miinada dhulka la dhigo waxaana qaraxa uu haleelay sida dad goobjoogayaal ah sheegeen gaari marayey meel aan ka fogeyn saldhigga Boolis ee degmada Balcad oo ay wateen ciidamada DFKM .
Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyay qaraxa ka dib gudaha Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxay qabteen dhowr qof .
A/Cawale
Halgan.net