Maraykanka iyo QM oo soo dhaweeyey Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya
August 21, 2012 - Written byNairobi:-Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta waxaa ay soo dhaweeyeen talaabadii shalay lagu dhaariyey baarlamaanka cusub ee federaalka dalka Soomaaliya. Shalay ayey ahayd markii Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay xaflad lagu dhaariyay ilaa 211 xildhibaan oo ka tirsanaa doona baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
War murtiyeed ka soo baxay xafiiska xog-hayaha dhinac saxaafada ee dalka Maraykanka ayaa lagu xusay in dowllada Maraykanka iyo beesha caalamku ay soo dhaweynayso in dowlada Soomaaliya ay ka baxdo waqtiga ku meel gaarka ah.
Dowllada Maraykanka ayaa ku boorisay in baarlamaanka cusub ay si deg deg ah u doortaan Guddoomiye baarlamaan iyo Madaxweyne si looga gudbo ku meel gaarnimada iyagoo sheegay in wax kasta oo fashilyey arrimahaas ay masuuliyadoodu ay qaadi doonaa Madxda Soomaalida.
Dowllada Maraykanka ayaa soo jeedisay in sida ugu dhaqso badan ay odayaaasha dhaqanka ay si deg deg ah u soo gudbiyaan xubnaha baarlamaanka ee wili la soo gudbin.
Dowlada Mareykanka ayaa waxay kow ka tahay dhibaatada iyo qaska ka jira Soomaaliya iyaga oo daba ka riixaya mar walba ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ku soo gurmaya .
A/cawaale
Halgan.net