Al-shabaab oo shaqada ka joojiye qaar ka mid ah Shirkadaha is gaarsiinta
October 2, 2011 - Written byMuqdisho:-Axad, Oktoobar 02, 2011 (Halgan.net) — urruka Al-shabaab ayaa maanta waxaa ay xireen ilaa dhowr xarumood oo shirkadaha is gaarsiinta ay ku laaheeyn degaanada ay ka taliyaan, shirkada Is gaarsiinta ee ilaa hadda albaada la iskugu dhuftay ayaa waxaa ka mid ah shirkadda Dahashiil iyo xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Nationlink iyo Telcom.
Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin masuuliyiinta Al-shabaab oo ku saabsan go,aamada saaka lagu xiray xarumaha is gaar siinta , Gobollada xarumaha shirkadaha is gaarsiinta laga xiray ayaa waxaa ka mid ah Gobollada Jubbooyinka, Bay, Bakool, Gobolka Gedo, Shabeelooyinka iyo Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta shirkada ayaa saaka looga yeeray Saldhigyada waxaan lagu war geliyey in ay xiraan dhamaan khadadka is gaarsiinta ilaa amar danbe. Xiritaanka shirkadaha is gaarsiinta ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xili diyaarado ajnabi ah ay duqeymo ka geysteen Degmada Ceel buur ee gobolka Gal-gaduud iyo degaano ku yaal gobolka Jubada Hoose, xirintaanka shirkadaha Isgaarsiinta ayaa waxaa kale oo ku soo beegmayaan xili dagaalo culus ay ka dhaceen degamad Dhoobley iyo Gobolka Gedo , dagaaladaas oo u dhexeeyey ciidanka ururka Al-shabaab iyo ciidamo daacad u ah DFKM iyo ururka Raascaambooni.
A/cawaale
Halgan.net