3 askari oo lagu dilay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari
November 19, 2012 - Written byKoox hubeysan ayaa saaka waxaa ay ku toogteen magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari ilaa 3-bo askari oo ka tirsanaa ciidanka dalka Kenya iyagoo markii ay dilkaas fuliyeen goobta ka baxsaday.Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay meel ku dhow dugsiga sare ee Garissa High School, dilka saaka ayaa ku soo beegmay ka dib markii xalay qarax lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad shacab Kenyaan ah oo marayey xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi oo ah xaafada ay degan yihiin dadka Soomaaliyeed.
Dadka Soomaaliyeed eek u nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa waxaa soo wajahay cabsi fara badan waxaan saaka dhamaan xiran goobaha ganacsiga waaweyn ee ay ka lahaayeen ganacsatad Soomaaliyeed magaalada Nairobi waxaan jira cabsi weyn oo ay qabaan ganacsatada iyo dadka Soomaali yeed oo ka cabsi qaba in la bartilaamsado iyaga iyo ganacsigoodaba.
Ilaa hadda ma jiraan koox ama urur si rasmi ah u sheegtay qaraxyada iyo dilalka lagu bartilmaamsanyo ciidanka dalka Kenya balse ilaa iyo intii ay ciidanka dalka Kenya gudaha u galeen dalka Soomaaliya ayaa waxaa dalka Kenya ku soo badanayey dilal iyo qaraxyo wax u dhimaya nabad iyo amaanka ka jiray dalka Kenya oo ah dal xuduud la leh dalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net