Guddoomiyihii golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan oo la dilay
November 27, 2012 - Written byHiiraan:-Koox hubaysan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa ay dhawaan ku dileen magaalada Beledweyne gaar ahaan ee Gobolka Hiiraan Sheekh Muxumed Sheekh Xuseen (Marya-cadde) oo shalay ay odayaasha dhaqan ka Gobolka Hiiraan ay u doorteen guddoomiyaha golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.
Kooxda dilka geystay ayaa waxaa ay ka baxsadeen goobta waxaan goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISON ee Jabuuti waxaan Saraakiishu ay saxaafada u sheegeen in ragga dilka geystay ay ahaayeen 2 qof mid ka mid ahna ay ku guulaysteen in ay qabteen halka midkii kalena ay ku daba jiraan, ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Hiiraan ama ciidanka AMISOM.
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net