Hay,ada Al sunna oo xadhiga ka jartay Machad cusub oo loogu magac daray imaamu Shaafici.
December 15, 2012 - Written byJigjiga:-Hay,ada Arimaha Islaamka iyo waxbarshad ee deegaanka Soomaali itoobiya (ALSUNNA) xafiiskeeda magaalada jigjiga ayaa xadhiga ka jartay machad cusub oo loogu magacdaray( Imaamu shaafici).munaasabada macadkan lagufurayay ayaa waxay kadhacday xarunta macadka oo kutaala magaalada jigjiga.
Xalafadan oo aad loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qaybgalay wufuud ka kalsocota ,xafiiska waxbarashada dawlada deegaanka soomaalida ,golaha Arimaha islaamka dawlada deegaanka soomaalida itoobiya ,madaxda hay,aha alsunna,odayaasha ku dhaqan magaalada jigjiga.bahda warbaahinta iyo dhamaan bulshad ku nool magaalada jigjiga qaybaheeda kaladuwan.
Xalafadan ayaa lagufurfuray Aayado qur,aan ah.kadib waxaa hadal kajeediyay munaasabadan gudoomiyaha macadka lafuray: Maxamed Cusmaan Sayid oo kawarbixiyay ujeedooyinka loo aas aasay macadkan isaga oo sheegay in lagu baran doon maadooyinka:xifdiga qur,aanka kariimka iyo tarbiyada islaamka luuqadaha sida carabiga,English,&xisaabta ,kuna booriyay bulshada in,ay kafaa iidaystaan fursadan,dhanka kale waxaa kahadlay gudmiye kuxigeenka hay,ada alnunna,Sheekh Cabdinaasir Ibaahim Cumar ,Sheekh Xasan Maxamed Xusen (daadhi)oo iyaguna kahadalay ahmiyada waxbarasha iyo sayna usinanay aqoona iyo aqoon la,aanta.
no images were found
Waxaa sidoo kale Xaflada ka hadlay Muxyadiin Aadan Nuur oo ka socday wasaarada waxbarashad ee dawlada deeganka soomaalida dhankiisna tibaaxay in xafiiska waxbarashada ay farxad wayn u tahay inay k asooqaybgalaan furitaanka macadkan wuxuuna ugu baaqay dhamaan bushada ku nool magaalah jigjiga inay kafaa iidaystaan fursadan .
Sheekh Cali Shoocaac ayaa isana kalimad ka jeedshay xaflada lagu daahfuray Machadka cusub ee Imaam Shaafici waxaana uu kahadlay ahmiyada uu uleeyahay macadkani bulasha wuxuuna ugu baaqay waalidiinta in ay ka faa,ideystaan fursadan dhamaan culimadii iyo mas uuliyiintii kahadlay xalfadan ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay waxbarashadu ugna baaqay bulshada in laga faa iidaysto fursadan qaaliga ee ku soo korodhay bulshada deegaan gaar ahaan magaalada jigjiga.
Hay,ada arimaha islaamka iyo waxbarashada (ALASUNA)ayaa ku mashquulsan sidii kor loogu qaadilahaa waxbarashada iyo wacyigalinta deegaan iyada oo dhidibada u taagtay mudadii yarayd ee hay,adu jirtay.macaahid iyo maaris farabadan oo haatan ay kafaa iidaystaan dadbadan oo ku noola deegaanka kala duwan .
Hay,ada Al sunna
Jigjiga