Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobalka Sh/hoose oo la weeraray
December 19, 2012 - Written byMarka:-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weerara Bam ah lagu weeraray saaka guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Abdulle Yuusuf xili uu mareyey degaanak Buufow .
Weerarka ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay mid ka mid ah ilaalada guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaana uu dhaawac soo gaaray 3 kale.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca maaliyadda ee gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax AbdulleYuusuf ayaa xaqiiyey weerarka lagu qaaday kolanyo gawaari ah oo uu la socday wuxuuna sheegay in uu bad qabo oo uu ka badbaaday qaraxyo dhowr ah oo lagu weeraray.
Saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa sheegay maalmo ka hor in ay ciidamo dheeraad ah dhigi doonaan inta u dhaxeysa Marka iyo Muqdisho si ay uga hortagaan weerarada gaadmada ah ay Alshabaab ku qaadaan ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM.
A/Cawale
Halgan.net