Madaxweynaha DFS oo la Kulmay Gudoomiyaha ururka G7 (Warsaxaafadeed)
December 20, 2012 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la Kulmay Gudoomiyaha ururka G7+ ahna Wasiiradda Maliyadda ee dalka Timor Leste Marwa Emelia Pires.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay kulankaan Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamuud Xassan Suleebaan iyo la taliyayaasha Madaxtooyada.Wasiiradda ayaa waxey uga warbixisay howlaha muhiim ka ah uu ururka G7+ qabanayo iyo fursadda Soomaaliya ay heysato in ay uga faa idysato madaama ay Soomaaliya ka tirsantahay ururka G7+.
Ururkan ayaa waxaa ku midoobay dalal badan oo ay dhibaatooyin ka soo jireen ama hada ay ka jiraan iyo dowladdaha deeq bixiyaasha ah si loo meel mariyo horumarka iyo dib- u dhiska dalalkaas.
Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in ay Soomaaliya u baahan tahay in ay la wadaagto wixii qibrad ah dalalka kale ay dhibaatooyinka ka jiraan.
Ugu danbeyntii ayaa waxaa uu Madaxweynaha sheegay in ay dalalka deeq bixiyaasho ay dowladda toos u taageraan si horumar buuxa ay dowladda u gaarto. Taasna ay hadda dhowr dal ay bilaabeen in ay dowladda taageraan.
Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Villa Somalia, Mogadishu
Mabdalla@presidency.go