Ururka Xisbul Islaam oo ka tacsiyeeyey dilkii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax
February 17, 2013 - Written byAllaha u naxariisto Sheekh Cabdulqadir Nuur Faarax oo ka mid ahaay Ducaada, aqoonyahanada iyo Culumada Soomaaliyeed oo jimcihii oo Taariikhda Hiriyadu ahayd 05-04-1434 oo ku aadan Taariikhda miiladiga 15-02-2013, lagu dilay magaalada Garoowe isagoo cibaadaysanaya oo gudanaya waajibaadkii Salaada Casir. Falkaas lagu dilay sheikh Cabdulqadir Nuur Faarax waa mid waxashnimo, ijraamnimo iyo mid inxiraafnimo oo indhaha looga ridayo Dacwada iyo Saxwada Soomaaliyeed, ayna ka danbeeyaan dadaan marnaba la doonayn umada Soomaaliya wax khayr ah.
Sheikh Cabdulqaadir, wuxuu ka mid ahaay tiirarkii iyo rukniyadii waaweynaa ee ay ku taagnayd Dacwada iyo Saxwada Soomaaliyeed tan iyo horaantii Todobaatameeyadii qarnigii hore, walina hormuud ka ahaay ilaalinta manhajka iyo mabaadiida Diinta Islaamka. Sidoo kale wuxuu sheekhu door firfircoon ku lahaay dhinacyada nabadaynta, musaalaxada iyo dibu heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed tan iyo waqtiyadii ay dalka ka jireen colaadaha sokeeye.
Wuxuu sheekhu dhibaatooyin badan oo isugu jira Xabsi, ciqaab iyo handajabaadyo ka soo maray halgankiisa faafinta iyo kor yeelida Diinta Islaamka guud ahaan geeska Africa iyo gaar ahaan Soomaaliya.
Hadaba Ururka Hisbul islaam, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Culumada Soomaaliyeed iyo qoyskii iyo qaraabadii oo ka geeriyooday sheikh Cabdulqaadir, waxaana alle uga baryaynaa inuu Janatul fardowso ka waraabiyo, qabrigiisana uga dhigo روضة من رياض الجنة
الّلهم أمين. الّلهم أمين. الّلهم أمين.
Lifaaq:
Xisbigu wuxuu soo jeedinayaa:
1- In umada Soomaaliyeed mowqif midaysan kaga hor tagaan dadka caadaystay dilka culumada, aqoon yahanka iyo indheer garadka Soomaaliyeed.
2- In Culumada Soomaaliyeed la dagaalamaan manhjkaan munxarifka ah ee ku soo siyaaday wadanka, ugana digaan dhalinyarada.
3- In laga shaqeeyo sidii loo baadi goobi lahaay nabad waarta oo ka hana qaada dalka Soomaaliyeed, si looga gudbo fara galinta shisheeye.
Xoghayaha Arimaha Dibedda ee
Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam
Sh.Maxamed Macallin Cali