Culimada ina Godane beegsaday Xasaanna fatwooday dilkoodu waa kuwo noocee ah ?
February 18, 2013 - Written byALLAAH ayaa mahad oo dhammi u sugnaatay .Wakhtigan oo kale oo murugtu aad u badan tahay waxaa dhici karta in sidii aad wax u doonaysay aadan u qori karin , haseyeeshee waxaan isku dayayaa inaan akhristaha la wadaago tilmaan noocee ah buu leeyahay caalimka dilka ku xukumani .
Ka hor inta aanan abbaarin muca qormadan waxaan ka horaysiinayaa labo qodob :
- ALLAAH waxaan u weydiinayaa sheikh cabdul qaadir inuu jannada meel sare ka geeyo ehelkiisa iyo guud ahaan soomaalina sabir ku arzuqo .
- Waxaa maalin walba sii iftiimaysa khatarta aan yaraysiga lahayn ee ku gadaaman dadkii indhaha u ahaa bulshada oo culimadu ugu horayso .
Intaas ka dib, Caalimka dilka ku xukuman ee la yidhi waa in la dilaa xataa haddii uu xaramkii joogo sida xassaanba fatwooday wuxuu lee yahay tilmaamahan
- Waa caalim ku baraarugsan khatarta kuwa u xuubsiibtay fikirkii khawaarijta
- Waa caalim aan ka aamusin inuu cadeeyo falalkooda gurracan iyo khatarta ay bulshada ku yihiin
- Waa caalim hadalkiisu saamayn weyn bulshada ku dhex leeyahay
- Waa caalim aan waxba ka sooqaadin hanjabaadooda iyo caga juglayntooda
- Waa caalim aan caydooda iyo aflagaadadoodu macno u samaynayn
- Waa caalim ka shaqeeya danta bulshadan silicsan kuna foogan uruurinteeda iyo xallinta mashaakilkeeda
- Waa caalim u arka sixidda fikradaha qalloocani inay tahay waajib ilaahay saaray
Caalimkaasi ma aha :
- Wadaad xikmad iyo caqli badnaan u arka in aafadan laga aamuso
- Wadaad usha dhexda ka haysta oo dhibanihii iyo daalimkii isku si u dhaleeceeya
- Wadaad aaminsan in dadku wada fitnaysan yihiin isna ay waajib ku tahay inuu fitnadaas ka dheeraado
- Wadaad u haysta in kooxo gaar ihi is hayaan isaguna aanu midna ka mid ahayn
- Wadaad u haysta in dad gaar ah dhibaatadani haysato oo waliba iyagu wixii ay beereen ay tahay!!
- Wadaad door biday inuu danihiisa gaarka ah ku ekaado oo gurigiisu deeqo
- Wadaad dhibta iyo naftii hurnimada neceb oo ku ducaysta ilaaahayoow hareerahayaga
- Wadaad inaan cidina dhibsan jecel oo wixii qolo ka didaysaba ka fogaada
Akhristoow haddaad taqaan wadaad tilmaamahaas hore leh ogow inuu liiska madow ku jiro , oo aan loogu tudhayn dadiisa , cilmigiisa, waxtarkiisa , taariikhdiisa, islaamnimadiisa, iyo wax allaale iyo wixii lagu badbaadi lahaa oo dhan . Waxaan kusoo gunaanadayaa waxay taariikhdu qori doontaa intii lagu dilay ama lagu wax yeeleeyay ka hortagga fikirkan qalloocan , waxay taariikhdu ka aamusi doonta intii manta aamusku la qurxoonaaday ama ka afgobaadsaday , waxayna taariikhdu dhaleecayn doontaa intii u qiil bixisay ama taageertay .
La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal dhiilka aakhiro e
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahaye.
W/Q Sh cabdiraxmaan abyad
Halgan.net , Copenhagen
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
waxaan ka codsan lahaa walaalaha halgan,net inay soogaliyaa kalimada oo cod ah hady helikaraan.
shukran