Ra’iisul Wasaaraha DFS oo cambaareeyay qarixii ka dhacay Muqdisho.

March 18, 2013 - Written by

R_Wasaare_SaacidRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxii maanta kooxaha nabad diidka ahi la beegsadeed xarunta Ex-Fayora ee degmada Xamerweyne.

Qaraxaan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 10 qof ayadoo dad gaaraya 15 ay ku dhaawacmeen. Qaraxan ayaa ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ex-Fayora kuna dhagan xarunta Tiyaatarka Qaranka. Waxaa lala beegsaday baabuurtii wadada maraysan ayadoo khasaraha ugu badana uu gaaray dad rayid ah oo saarnaa bas rakaab ah oo marayay goobtaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxii maanta uu ahaa kii ugu xumaa in mudaa isagoona ku tilmaamay xasuuq loo gaystay shacbi Soomaaliyeed oo an waxba galbsan.

“Aad ayaan u cambaaraynaynaa falkaas gumaadka ah, waa wixii lagu yaqaaney kuwa nabad diidka ah, ee gumaada shacbiga Soomaaliyeed. Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed, anoo si gaar ah u tacsiyaynaya ehelada iyo qaraabada intii ku dhimatay iyo qof kasta oo wax ka soo gaareen,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay ciidamada amniga inay habeen iyo maalin u soo jeedaan siday shacabka uga difaaci lahaayeen dhagar qabayaashaas.

—DHAMAAD—

Ahmed Adan

Madaxa Xafiiska Warbaahinta

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha

Email: media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online