Warqad furan oo ku socota Culimada Soomaaliya. [Gabay]
March 24, 2013 - Written byCulimadayadoy ugu horrayntii waxaan idin leeyahay cisi iyo sharaf Allaha idin huwiyo, jazaakumullaahu cannaa khayran. Intaas ka dib waxaan idiin soo gudbinaya, anigoo idinka raali galinaya haddii qalad iiga dhoco si kama ah, su’aalo iyo duco. Waxaan u malaynayaa in dad badan oo shacabka ka mid ahi ila qabaan su’aalaha. Waxaanna ku dhiiraday inaan idiin soo qoro markaan xusuustay hadalladii Abu Bakar Al-Sidiiq iyo Cumar Bin Khadaab Allaah raali haka noqdee oo labaduba ka codsanayay shacabkay hogaaminayeen inay u sheegaan haddii arrini qalad ula muuqato.
Shacabku wuxuu mudanyahay in culimadu u caddayso arrimaha murugsan. Waxaan ognahay inaan Al-Shabab bilaabin in dadka Soomaalida ah inta lala dagaalamo la yiraahdo waa jihaad iyo dawlad iyo dadka la shaqeeya oo gaalo lagu sheego. Al-Shabaab waxay soo kordhiyeen musiibo ugub ah oo aanan u malaynayn inay adduunka horay uga dhacday. Culimadu waxay usoo qaataan tusaale dilkii Khulafaa’u Raashidiintii Allaha raali ka noqdee, laakiin dilkii Khulafaa’u Raashidiinta looma adeegsan carruur waalidkood laga xaday!! Haddii laynta muslimiinta Janno lagu galayo maa loo adeegsado dad waawayn oo dambiya badan galay, haddiise carruurta lala jeclaaday Jannada may madaxda Al-Shabaab carruurtooda u diraan Jannada. ? Si kastaba arrintu ha ahaatee Soomaaliyey waxa inaku dhacayaa waa in yar oo ka mid ah waxaynu gallay ee ma toobad keennaa oo Allaah maw noqonnaa? Mise wali haruubku ma buuxsamin?
Tixaha soo socda waxaan ku cabirayaa dareenkayga runta ah:
Magool dib u curato calankeenni soo noqdaa,
culimadeennoy fakara oo maxaa cakirran?
Markii laba caalim midba cayn fatwada u dhigay,
culimadeennoy fakara oo maxaa cakirran?
Cilmaani iyo qabiilaystee awal baanan cudud ka rabin
Shareeca ka carare awal baanan cudud ka rabin,
Cashiiradi laaye awal baanan cudud ka rabin,
Soomaali kala cayrshe awal baanan cudud ka rabin,
Ciiddeenna xaraashe awal baanan cudud ka rabin,
Cadawga u adeege awal baanan cudud ka rabin,
Dollar daba carare awal baanan cudud ka rabin,
cisi ku noolaada nolol aan caqabad lahayn,
maalinta carafaado nafluhu uu cabsanahayaa,
kuwa cadceeda laga qariyo carshiga Raxmaan harsada,
Ciqaab aan marine Jannada caafimaad ku gala,
Codkiyo Aragiisa Rabbi wayne ku casumaa,
Fardawza ku caysha Allaah Caadil idinka yeel,
Xaqqa Allaah haynaku sugo,
Archives |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
English Article
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Somali Links
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
Fatwa Online
|
1 Comment so far
Leave a comment
asc
maashaa allaah waa maqaal aad u qiima badan, culumadan in loo gudbiyo ku haboon illayn iyaguu ku socdaaye,su’aalahaasna jawaabteeda ay bixiyaan. Sama admay adna Allaha ku barakeeyo khayrkaagana badiyo murtida aad ku cabirtay arin dad badan laga yaabo inay is waydiinayaan waa mid qiima badan ee miisaanka allaha kuu saaro, adoo kalena allaha noo badiyo.