Maxkamada Ciidanka Puntlland oo xukun ku riday askar ka tirsan ciidanka Badda.[Masawiro]
September 7, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta Maxkamada Ciidanka qalaba sidda ee Puntlland ee gobollada Bari, Karkaar Heylaan Sanaag iyo Gardafuu ay xukun ku riday ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntlland oo afduubay Markab laga lahaa Kuuriya isagoo sidda Shamiitana ay qabteen ciidanka Badda ee Puntlland.
Ciidankaan ka tirsanaa ciidanka badda Puntlland ayaa waxaa lagu xukumay midkiiba hal sano oo xariga ah halka agabkoodii ciidan ay la wareegeen dowladda Puntlland, Ciidanka xukunka lagu riday oo gaarayey 8 askari ayaa lagu eedeeyey in ay ka dan beeyeen afduub lagula kacay Markab ay iyagu ilaalinayeen oo ku xirnaa xeebta magaalada Boosaaso.
no images were found
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidanka qalabka sida ee Gobollada Bari,Karkaar,Sanaag iyo Hayland iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa waxaa uu Maxkamada uga dhawaaqay xukunka lagu riday askartaan. Askarta lagu riday xukunka ayaa 7 ka mid ah ay joogeen Maxkamada halka hal askari uu ka maqnaa kaas oo lagu riday labo sanno oo xariga ah.
M_M_Deeq
Halgan.net