Puntland oo lagu soo wareejin doono dhawaan16 dhalinyaro burcadbadeed ah
September 26, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalmaha soo socda la filayaa in si rasmi ah loogu soo wareejiyey dowladda Puntlland dhalinyaro burcad badeed ah oo gaaraysa ilaa 16 dhalinyaro ah, dhalinyaradaaan Burcadbadeedka ah ayaa waxa ay ku xirnaayeen Xabsiyo ku yaal Jasiirada Seychelles. Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeedka dowladda Puntland C/risaaq Maxamad Dirir Ducaysane oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Puntland horay loogu soo wareejiyey ilaa hadda 30 dhalinyaro ah ayna ku xiran yihiin Xabsiyadda Puntlland lana filayo in bilaha soo socda Puntland lagu soo wareejin doono 16 dhalinyaro ah oo 5 ka mid ah ay soo dhamaysteen Xabsiyadooda.
Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeedka dowladda Puntland C/risaaq Maxamad Dirir Ducaysane ayaa xusay in deegaanada Puntland in hadda laga sifeeyey kooxaha burcad badeedka ah ka dib markii ay ciidanka badda Puntland ay dagaal ku qaadeen Saldhigyadii buracadbadeedka beesha caalamkana ay gacan ku siiyeen arrinkaas.
Dhalinyaro badan oo ka mid noqday kooxaha qowlaystada badda ee burcadbadeedka ah ayaa waxaa ay ku kala xiran yihiin Xabsi yadda kale duwan ee aduunka waxaan jira dowladdo daris la ah dalka Soomaaliya oo mashaariic la dagaalka burcadbadeedka kaga hellay caalamka dowlladahaasna waxaan ka xusi karnaa dowladda Kenya iyo Itoobiya.
M_M_Deeq
Halgan.net