Wasiirka arrimaha gudaha Kenya oo sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalka Al-shabaab
September 28, 2013 - Written by EditorNairobi:-Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab waxaana uu meesha ka saaray in ciidanka dalka Kenya ay ka soo baxayaan gudaha dalka Soomaaliya.
Ururka Al-Shabaab ayaa baaq u jeediyey dowlada Kenya kaas oo ahaa in hadii ay nabad rabto ay ciidankooda kala soo baxaan gobalada jubooyinka iyo Gedo waxaana arinkaas dhagaha ka fureystay madaxada sare ee dowlada Kenya.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay gudaha Soomaaliya galeen ka dib markii ay dareemeen in Ururka Al-Shabaab uu khatar ku yahay amaanka dalka Kenya wuxuuna sheegay in ciidanka ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa sanadkii 2011 gudaha u galay Soomaaliya waxayna qabsadeen deegaano ka tirsan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
A/Cawale
Halgan.net