Madaxweynaha dalka Kenya oo sheegay in ciidamadooda aysan ka baxayn Soomaaliya
October 1, 2013 - Written by EditorNairobi :-Munaasabad Baroor diiq ah oo loo sameeyey dadkii lagu laayey xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ayaa waxaa maanta khudbad ka jeediyey Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta waxaana uu sheegay in ciidanka Kenya aysan ka bixi doonin dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in dowladiisa aysan baqdin galin doonin hanjabaad ay Ururka Al-Shabaab u direen dowlada Kenya iyaga oo wacad ku maray in ay weeraro kale la beegsan doonaan shacabka Kenya hadii ciidanka Kenya aysan ka bixin gobalada Soomaaliya oo ay xooga ku qabsadeen.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku goodiyey in Ururka Al-Shabaab ay kula dagaalami doonaan gudaha dalka Soomaaliya wuxuuna ku eedeeyey in ay gudaha dalka Kenya ka geysteen qaraxyo, dilal qorsheysa iyo afduub.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in uu magacaabi doono gudi baara weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo ay in ka badan 80 qof ku dhinteen boqalaal kalana ay ku dhaawacmeen.
Waxaa sidoo kale kulanka loogu sameeyey Baroordiiqda dadkii lagu laayey Westgate Mall khudbad ka jeediyey Raisulwasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga wuxuuna sheegay in dowlada ay wax ka badasho laamaha amaanka iyo xuduudaha dalka isaga oo ku eedeeyey in ay laaluush qaataan .
Dowlada Kenya ayaa waxaa soo wajahaday ceeb iyo wajigabax ka dib markii warbaahinta dalka Kenya ay aad u faafiyeen in ragii weerarka ku qaadiyey xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ay baxsadeen.
Gudiga baarlamaniga ee G/dhiga ,xiriirka arimaha dibada iyo amniga qaranka ee dalka Kenya ayaa waxaa uu baarlamaanka dalkaas ugu yeeray laamaha amaanka si su,aalo looga weydiiyo weerarkii lagu qaaday Westgate Mall
Cabdi Yare
Halgan.net