Shir sanadeedkii 4aad ee jaaliyada Soomaaliyeed oo ka furmay Sout Afrika(Masawiro)

December 30, 2013 - Written by Editor

IMG-20131229-WA0003Johannesburg:-Waxaa si habsami leh uga socda dalka Sout Afrika Mutamar Islaami ah kaas oo ay qabsadaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas waana mutamarkii 4aad.

Mutamarka ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Ha,yda Al-Bayaan waxaana ka soo qeyb galay culumada kala ah.

1-Sheekh Maxamed Cabdi Umal
2-Sheekh Cali Wajis
3-Sheekh Cabdiraxiim C/laahi Abu Cayneyn
4-Sheekh Dr Aden Sheekh Cali Saalax
5-Sheekh Dr Cabdiweli Xaji Maxamed Yuusuf
6-Sheekh C/laahi Ibraahim
7-Sheekh C/rashiid Baaxeer

no images were found

Mutamarka sanadkan ayaa waxaa cinwaankiisa uu ahaa  (قال تعالى: {إنَّ هذه أمتكم أمة واحدة وأنا ربكم فاعبدون}. waxaana ay culumada ka jeediyeen muxaadarooyin kala duwan oo dhamaantood umada Soomaaliyeed ku boorinaya Midnimada iyo dhibaatada ay leedahay tafaraaruqa iyo kala taga.

Mutamarka 4aad ee jaaliyada Soomaaliyeed ee sout Afrika  ayaa sidoo kale Musasada Al-Bayaan waxay xaflad balaaran u qabatay ardayda dugsiyada johannesburg kuwaas oo ay culumada gudoonsiiyeen abaalmarino kala duwan.

no images were found

Culumada ka qeybgaleysa Mutamarka 4aad ee jaaliyada Soomaaliyeed ee SoutAfrika ayaa sidoo kale socdaal dacwo oo kala duwan waxay ku tageen magaalooyinka ay degan yihiin Soomaalida si ay u wacyi galiyaan ugana jawaabaan su,aalaha diiniga ah ee ay u ooman yihiin

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta dhamaan masawirada iyo muxaadaraadka ay culumada ka jeediyeen Sout Afrika hadii alle idmo .

Halgan.net
Musasada Al-Bayaan

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online