Dagaalo ka dhex qarxay kooxaha dagaalka kula jira dowlada Suuriya

January 4, 2014 - Written by Editor

SyriaQaahira:-Xaalada ay ku sugan yihiiin Muslimiinta Suuriya ayaa ah mid aad looga naxo waxaana xasuuq aan loo aaba yeelin ku haya dowladda Calawiga ah ee oo hogaanka u hayo Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad , Dadka shacab ka ah ayaa waxaa ay u geysteen ciidanka dowladda Suuriya duqeynta ,kufsiga ,iyo go,doominta  waxaana jira magaalooyin badan oo inta la go,doomiyey gaajo xun iyo nolol xumo ay ka jirto.

Dhinac kale kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa laftigood xaaladoodu tahay mid aan lagu farxeyn waxaana xaaladooda ay aad u sii xumaatay ka dib markii Amiirka dowladda Ciraaq iyo Shaam Abu Bakar Al-Baqdaadi uu ku dhawaaqay in Jabahada Nusra  ay ka mid ah tahay Ururkiisa taasna waxaa diiday Amiirka Jabahada Nursa Abu Maxamed Al-Jowlani.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in dagaalo u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta uu ka socdo deegaano kala duwan oo ka tirsan dalka Suuriya waxaana dagaalka uu u dhexeeyaa Jabahada Islaamiga ee Suuriya ,Jabhad Nusra Ciidanka xorta ,iyo Dowlada Islaamiya Ciraaq iyo Shaam ee uu amiirka u yahay Abu Bakar Al-Baq daadi qolo walbana waxay sheegaysaa in lagu xadgudbay.

Jabhada Islaamiga ee Suuriya ayaa Bayaan ka soo saartay dil ay sheegtay in loo geystay Dr Xuseen Suleymaan halka Dowlada Ciraaq iyo Shaam ay sheegayso in la laayey rag Muhaajiriin ah oo gurmad u tagay dalka Suuriya.

Halkaan ka eeg Bayaanka ay soo sareen Jabhada Islaamiga ee dalka Suuriya. Khilaafka Dowladda Islaamiya Ciraaq iyo Shaam iyo Jabhad Nusra ayaa waxaa soo dhex galay Dr Ayman Dawaahiri Amiirka guud ee Ururka Al-Qaacida waxaana uu talooyin iyo aw-aamir kala duwan siiyey hogaanka Labadda Urur ee Jabhadda Nusra iyo Dowladda Ciraaq iyo Shaam.

Jabahad Islaamiga ee Suuriya ayaa maanta soo saartay bayaan ay uga waramayso xaalada goobaha ay ka dhaceen dagaaladu waxaan ay sheegteen in ay difaacayaan deegaanada ay ku sugan yihiin.

Hoos ka eeg Bayaankii Jaysh Mujaahidiin   ee dalka Suuriya

no images were found

Jabhada Islaamiga ee Suuriya ayaa bayaan ay shalay faafisay waxaa ay ugu baaqeen dagaal yahanaha daacada u ah Jabhada Dowladda Ciraaq iyo Shaam inay joojiyaan dagaalka ay ka wadaan goobaha xorta ah ciidankoodana ay kala baxaan magaalooyinka Ataarib o ka tirsan magaalada Xalab iyo Fowj64. Jabhada Islaamiga ee Suuriya ayaa waxaa kale oo ay ugu baaqeen hogaanka iyo masuuliyiinta Jabhada Dowladda Ciraaq iyo Shaam in wixii khilaaf ah oo jira lagu kala baxo Kitaabka alle si loo dhameeyo khilaafka jira.

Hoos ka eeg bayaankii Jabahada islaamiga  iyo baaqii ay u direen Jabhada Dowladda Ciraaq iyo Shaam

no images were found

.

Dhinac kale waxaa iska horimaadyada iyo dagaala u dhexeeya kooxaha dagaalka ka wada dalka Suuriya ayaa waxaa baahinaya warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa ku hadla afka carabiga Tv-ga Al-Jazeera ayaa waxaa uu waraystay masuul dhinac Siyaasada ee Jabahada Islaamiga ee Suuriya Xassaan Xamuud Abuu Cabdullaahi wax uuna ka hadlay wax keenay khilaafka iyo dagaalka.

Masuulkaan dhinac siyaasada ee Jabhadda Islaamiga dalka Suuriya Xassaan Xamuud Abuu Cabdullaahi ayaa waxaa uu ugu baaqay hogaanka Jabahada dowladda Islaamiga Ciraaq iyo Shaam.

Hoos ka Dhagayso waraysigii masuul dhinac Siyaasada ee Jabhada Islaamiga ee Suuriya Xassaan Xamuud Abuu Cabdullaahi

Dr Ayman Dawaahiri ayaa waxaa uu talooyin uu u soo jeediyey kooxaha ka dagaalamay madaxda Suuriya isagoo ka hadlay ka mid ahaan shahooda ururka Al-qaacid iyo in ay u midoobaan la dagaalka cidanka dalka Suuriya arrinkaas oo ay si kala duwan ay hadleen Abu Bakar Al-Baqdaadi iyo Abu Maxamed Jowlaani.

Hoos ka Dhagayso fariintii uu Dr Ayman Dawaahir u diray Abu Bakar Al-Baqdaadiiyo Abu Maxamed Jowlaani.

Hoos Ka Dhageyso ka Abu Bakar Al-Baqdaadi  (الدولة الإسلامية بالعراق والشام باقية ).

Waxaa sidoo kale Risaalooyin nasiixa ah u diray Labada Urur ee Jabhada Nusra ee Shaam ee uu madax u yahay Abu Maxamed Jowlaani iyo Dowladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam ee uu hogaaminayo Abu Bakar Al- Baqdaadi iyo kooxaha kale Abu Qataada Al-Falastiini wuxuuna Risaaladiisa ugu magac daray (رسالةلأهل الجهاد بالشام) waxaa kale oo risaalo u diray Abu Maxamed Al-Maqdasi wuxuuna cinwaan uga dhigay (الإنصاف حلة الاشراف ، والاشراف أقل الاصناف)

Hoos ka Dhageyso Amiirka Jabhat Al-Nusra Abu Maxamed Al-Jowlaani

Markii ay Abu Qataada Al-Falastiin iyo Abu Maxamed Al-Maqdasi ay Risaalooyinkaan ay qoreen ayaa waxaa lagu radiyey Kutub badan oo aan dib u soo gudbin doono Insha Allaah si dhalinta saxwda ay u ogaadaan halka uu marayo xadgudubka diineed ee haatan ka dhex aloosan raggii Munadariinta u ahaa fikirka Al-Qaacida iyo ardaydoodii.

Saaxada Muntadayaadka ay leeeyihiin kooxaha Islaamiyiinta ayaa  si weyn waxaa  uga muuqda risaalooyinka ay qolo walba rabto in ay mowqifkooda ku soo bandhigto ama ku difaacdo oo qorayaan rag inta badan aan la aqoon .

Khilaafka ka socda dalka Suuriya ayaa waxaa uu salka ku hayaa mid Manhaj ah iyo kala fikir duwanaasho kooxaha dagaalka kula jira dowladda Suuriya iyo Jabahadda dowladda Ciraaq iyo Shaam oo sheeganeysa in ay dowlad tahay  halka kooxaha kale ay diideen .

Waxaan sidoo kale meesha ka marneyn in dowladda dariska la ah dalka Suuriya iyo Sirdoonka aduunka ay qayb ka yihiin ama ay ka faa,ideysanayaan khilaafka kooxaha Islaamiyiinta ee dagaalka kula jira dowladda Suuriya iyo kooxaha shiicada ah ee garab siinaya.

Dhanka kale ciidanka dowlada Islaamiga ee Ciraaq iyo shaam ayaa sheegay in ay soo weerareen kooxo ay ku tilmaameen saxwaat la mid ah kuwii Ciraaq waxayna sheegeen in ay guulo ka gaareen dagaalada iyaga oo balan qaaday in ay cagta marin doonaan

Halkan Ka Akhriso Bayaan ay soo saareen لدّولة الإسلاميّة في العراق والشّام

Muntadayaadka iyo mareegaha internetka ee kala taageersan kooxaha uu dagaalka ka dhaxeeyo ayaa qolo walba waxay soo dhigeysaa sawiro iyo Bayaano ay isku difaaceyso .

Hoos Ka Daawo Taqriir uu TV Al-Jazeera ka diyaariyey dagaalka ka dhex socda kooxaha  dalka Suuriya

Qeybta labaad waxaana ku soo bandhigi doonaa  inshalaah talooyinka ay soo jeediyeen Dr.Ayman Dawaahiri ,Sh Abu Qataada Al-Falastiini iyo Sh Abu Maxamed Al-Maqdasi  iyo qaabkii ay uga jawaabeen hadaladaas madaxda Jabhada ee dowladda islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online