Midowga Afrika oo soo dhaweeyey doorashadii shalay ka dhacday Puntland
January 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa waxaa uu soo dhaweeyey doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee caasimada Puntand laguna doortay madax weynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif ayaa xusay in doorashada Puntland ay u dhacday si xalaal ah oo cadaalad ah taas oo bisaylka siyaasadeed ee Puntland isagoo mustaqbal wanaagsan u rajeeyey Soomaaliya oo dhan.
Ambassador Annadif ayaa sheegey in sabnadkan cusub ee 2014 uu ku bilawday rajo fiican iyadoo la doortay hogaan ka cusub ee Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laga sugayo in uu soo dhiso xukuumadisa.
Doorashadii ka dhacday shalay magaaada Garoowe ayaa waxaa goob joog ka ahaa wufuud ka tirsan beesha caalamka gaar ahaan IGAD, Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Yurub iyagoo dhamaantood soo dhaweeyey doorashad qaabkii ay u dhacday.
A/cawaale
Halgan.net