Golaha Wasiirada Puntland oo shirkoodi qodobo muhiim ah ka soo saaray.[masawiro]
March 11, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe Golaha Wasiirada Puntland iyagoo uga dooday qodobo badan waxaan shirka gunaanadkiisii ay ka soo saareen warsaxaafadeedka Hoos ku xusan:-
Warsaxaafadeed: Ujeedo: Qodobadii ka soo baxay kulankii 4aad ee Golaha Wasiiradda Puntland.
1. Iyadoo laga jawaabayo soojeedintii wasiirka waxbarashada Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in miisaaniyadda waxbarashada sanadka 2014 la gaadhsiiyo boqolkiiba todoba (7%). Halka ay hore u ahayd 3%, sidoo kalena sanad-kasta 1’% la kordhiyo miisaaniyada, iyadoo lagu darayo 200 oo macalin sanad walba.
2. Golaha xukuumaddu waxay Ansixiyeen Xeerkii xamuulka gaadiidka wadooyinka Puntland.
3. In la qaban qaabiyo dood cilmiyeedo diiniya iyo wacyigelin Culuumada diintu sameeyaan si looga hor-tago xagjir nimada iyo afkaaraha ururka al-shabaab mediyahana la mariyo.
Kulanka wasiirada waxaa sidoo kale lagu dhaariyay wasiiro uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli max’ed Cali Gaas kuwaaso oo kala ah:-
no images were found
1. Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indha Guran
2. Wasiiru Doowlaha Madaxtooyada Dr Max’ed Cabbaas Cumar
3. Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga Cabdi-raxman Jaamac Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi galinta
Iyo Hidaha Iyo Dhaqanka ee
Madaxtooyada Puntland