Madaxweynaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmooyinka u dhexeeye Burtinla Ilaa Galkacyo.[Masawirro]
April 7, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka anba baxay magaalada Burtinle iyagoo ku sii jeeda Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalooyinka kala ah Xarfo, Bacad-weyn iyo Cagaaran waxaana dhamaan dadweynaha magaalooyinkaasi ay dadwenihii ku suganaa taag naayeen wadooyinka iyagoo ka qayb qaadanayay soo dhoweynta Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdigiisa.
Madaxweynaha ayaa ku hakaday isla markaana dhex lugeeyey deegaanadii uu soo maray oo dhan, isagoo dadwey naha ku sugnaa deegaamadaasi ka dhagaystay warbixino ay ku soo bandhigeen duruufaha ka jira deegaamadaasi iyagoo Dawladda ka dalbaday in wax laga qabto baahiyahasi.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay dhamaan dadweynihii uu soo maray in safarkiisa gobolka mudug uu salka ku hayo sidii loo ogaan lahaa xaaladda guud ee shacabka. Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale tilmaamay, in Dawladdiisu ay intii awoodeeda ah ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee ka jira Puntland, sidoo kalena loo baahan yahay in shacabka laftoodu ay ka qayb qaataan horu marka Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa waxuu intaasi kusii daray inay lagama maarmaan tahay in loo baahan yahay in dawlada iyo shacabka Puntland looga baahan yahay in si wada jir ah ay gacmaha isu qabsadaan.
Madaxweyanaha ayaa waxuu hore ugu usii kicitimay magaalada Galkacyo,halkaasi oo dadweynaha ku dhaqani ay si weyn u soo dhoweeyeen madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweyne Gaas ayaa markii uu tagay magaalada Galkacyo wuxuu kormeeray garoonka diyaaradaha ee Galkacyo, isagoo halkaasi kula kulmay masuuliyiinta gacanta ku haysa maamulka garoonka Galkacyo.
no images were found
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dadweynaha Galkacyo la hadlay, wuxuuna uga mahad naqay sida diiran ee ay ugu soo dhoweeyeen magaalada Galkacyo. Wuxuu kaloo u sheegay inuu la joogi doono maalmaha soo socda isla markaana uu doonayo inay iska waraystaan xaaladaha guud ee gobolka iyo talaabooyinka loo baahan yahay in hore loo qaado si loogu tallaabsado horu maro kala duwan.
–DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta
Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
ee Madaxtooyada.