Faahfaahin qarax caawa ka dhacay dalka Jabuuti

May 24, 2014 - Written by Editor

jabuutiJabuuti:-Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in caawa Laba qof ay ku dhinteen xarunta dalka Jabuuti ka dib markii ay  laba qarax ay ka dhaceen maqaaxi ku taal dalka Jabuuti qaraxa ayaa  dhaliyey  khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac

Qaraxa koowaad ayaa waxaa uu ka dhacay maqaayadda La Chaumiere oo ay inta badan ku caweeyaan dadka reer galbeedka ee ku dhaqan dalka Jabuuti waxaana ku dhaawacmay 11 qof.

Diblumaasi qariyey magaciisa oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP  ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan dad ajaanib ah oo ku sugnaa maqaaxida La Chaumiere .

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay BBC-da in weerarka lagu qaaday maqaaxida La Chaumiere  uu ahaa markii hore Bam lagu tuuray  ka dibna uu xigay qof fadhiyey maqaaxida oo is qarxiyey.

Saraakiisha ciidanka booliska ee dalka Jabuuti, ayaa sheegay in ay wadaan howlgalo ay ku baarayaan qaraxyada ka dhacay dalka Jabuuti iyo cida ka danbeysay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online