RW Cabdiweli oo booqday dhaawacyadii la dhigay Cisbitaal Madiina (Masawiro)

May 25, 2014 - Written by Editor

IMG_0128Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed iyo qaar kamid ah golaha Wasiirada ayaa Saaka booqday Isbitaal Madiina oo ku jiraan qaar kamid ah dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay weerarkii ay shalay ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka kooxda arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Ra’iiusl Wasaaraha ayaa war bixin ka dhageystay Maamulka Isbitaal Madiina, wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu u rajeeyey dadka dhaawaca qaba in Ilaahay siiyo caafimaad taam ah, isgoona markale u tacsiyeeyey Qoysaskii ay dadku uga geeriyoodeen. “Alshabab waad u jeedaan in aysan u kala socnayn shacab iyo dowlad, taasi waa mida ka muuqata dhaawacyada yaala Isbitaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerka kaddib saxaafadda kula hadlay gudaha Isbitaal Madiina ayaa yiri “Aniga iyo golaha Wasiirada waxaan saakay booqasho ugu nimid dadkii shalay ku waxyeeloobay weerarkii waxashnimada ahaa ee dhagar-qabayaashu ku qaadeen golaha shacabka, waxaan soo booqanay ciidamadii amniga iyo Xildhibaan Faarax Cawad, xaaladooda caafimaadna waa wanaagsanayd, inkasta oo uu dhib soo gaaray, waxaan uga mahadcelinaynaa maamulka Isbitaalka Madiina dadaalka ay galiyeen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dhaawacyada”.ayuu yiri RW Cabdiwali

no images were found

Dhanka kale Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr Maxamed Daahir oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee dhaawacyadii shalay lasoo gaarsiiyey in ay soo hagaagayso kaddib dadaal ay sameeyeen maamulka iyo shaqaalaha isbitaalka.

—-DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online