Madaxweynaha Puntland oo Lagu soo dhaweeyey Baargaal,Gumbax, Waadi Khayr iyo Isku shuban.[Masawiro+Warbixin]

May 28, 2014 - Written by Editor

IMG_6109Baargaal:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland  Mudane Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo wali wada safaradii uu ku marayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobollada Bari,Karkaar iyo Gardafuu ayaa Maanta si Farxad iyo rayn rayne ku jirto loogu soo dhaweeyay Degmooyinka Gumbax,Baargaal iyo Sidookale Deegaanka Waadi Khayr  iyo Deegaano kale .Wafdiga uu Hogaaminayay Madaxwayne Mudane C/wali Gaas waxaa ka mid ahaa Masuuliyiin ka kala socday Labada Gole ee Dowladda Puntland, Waxgarad Saraakil katirsan Ciidanka Xooga Puntland,Gudoomiyaha Gobolka Bari,Agaasimaha Guud ee Ciidamada Badda Puntland C/naasir Biixi, Saraakil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Masuuliyiin Kale .

Ugu Horayn Madaxwaynaha iyo Waftigiisa ayaa waxaa ay gaaren Degmada Gumbax,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Shacab farabadan oo u diyaarsanaa soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowlada Puntland,iyagoona Watay Calanka Puntland iyo Sidookale Caleemo qoyan oo ay ku soo dhawaynayeen Wafdiga Madaxwaynaha .

Safarkayagu,waxa uu la xiriira safaradii aanu ku maraynay gobolada Puntland,waana safar aan ugu kuur galayno xaalada amni,Xaalad dhaqaale,Xaalada Bulsho ee dadka reer puntland ku nool yihiin,ujeedkayaguna waxa weeye inaanu dadka u nimano ;Hadalkaan ayuu Madaxwaynuhu ka jeediyay Degmada Gumbax.

Madaxwayne Gaas ayaa dadka ku dhaqan Degmada Gumbax u tilmaamay in isbadal walba oo dhaca oo ah mid horumarineed uu ka bilowdo maamulka,isagoona ugu baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan u soo dhisaan Golaha Deeganka ee Degmadaasi.

Madaxwaynaha Dowalada Puntland iyo Waliba Wafdigii uu hogaaminayay oo ugu dambayn soo gaaray Degmada Baargaal,ayaa waxa ay halkaasi kala kulmeen soo dhawayn balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen bulshada iyo Maamulka Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu.

Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dadwaynaha Reer Baargaal oo manta si aad iyo aad u qiimo badan oo ehelnimo iyo walaaltinimo ku jirto noogu soo dhaweeyay Degmadaan Sidaasi waxaa yiri Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

no images were found

Degmada Isku shuban

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlada Puntland waxa uu  xalay shacabka Degmada Isku shuban kula fiidsaday goobaha ganacsiga iyo Meelaha Taarikhiga ah ee ku yaala Degmadaasi.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay u kuur-galay xaaladda amni iyo mida nolaleed ee kajirta Magaalada Isku shuban,waxana uu sidookale madaxynuhu kormeeray Goobaha ganacsi ee kuyaala Degmadaasi.

Goobihii uu Madaweynahu tegay xalay fiidkii ayaa waxaa ka mid ahayd Meherad ay Inta badan Bulshada Degmadaasi isugu yimaadaan,isagoona halkaasi kula shaaheeyay shacabkii Fadhiyay.

Waxa sidoo kale uu Madaxynuhu kormeer ku tagay Saldhiga Ciidanka ee Degmada isku shuban iyo Sidookale goobaha taarikhiga ah ee ku yaala Degmadaasi.

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigalinta,
Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
May 2014
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online