Wasiiro ka tirsan DFS oo gaaray gobalka Shabeellaha Hoose.
June 11, 2014 - Written by EditorMarka:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee DFS Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose waxaana socdaalkiisa ku weheliyey wasiirka G/dhiga DFS Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waxaana ujeedada socdaalkooda lagu sheegay in ay xal nabadeed dhex dhigaan beelo ku dagaalamay gobalka Shabeellaha Hoose.
Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Arimaha gudaha ee DFS iyo wasiirka G/dhiga ayaa markii ay gaareen magaalada Marka waxay la hadleen warbaahinta waxaana ay ugu baaqeen maleeshiyaad beeleedka ku dagaalamaya gobalka gobalka Shabeellaha Hoose in ay dagaalka joojiyaan khilaaf walbana lagu dhameeyo wada hadal.
Wafdiga ka socda dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan odayaasha dhaqanka iyo wax garadka beelaha ku dagaalamay gobalka Sh/ Hoose waxaana ay DFS qorsheynaysaa in gobalka Shabeellaha Hoose laga saaro dhamaan maleeshiyaadka hubaysan.ee daacada u ah beelaha ku dagaalamay gobalka .
Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladiisa ay ku dadaali doonto sugida amniga gobalka Shabeellaha Hoose iyo sidii heshiisiin buuxdana loo dhex dhigi lahaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay gobalka Shabeellaha Hoose
A/Cawale
Halgan.net